Hot Topics

Kim Jong Un: “Haddiyad ayaan u Dirnay Mareykanka”

This undated picture released from North Korea's official Korean Central News Agency (KCNA) on August 4, 2016 shows North Korean leader Kim Jong-Un (C) delivering a speech at the 3rd Meeting of KPA Activists in O Jung Hup-led 7th Regiment Title Movement at the April 25 House of Culture in Pyongyang. / AFP / KCNA / KCNA (Photo credit should read KCNA/AFP/Getty Images)

Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa ku faanay tijaabadii guusha lahayd ee dalkiisa uu talaadadii ku sameeyey gantaal nooca riddada dheer ee qaaradaha isaga gudba ah.

Kim Jong Un, ayaa koox saynisyahano iyo farsamo-yaqaano ah u sheegay in Mareykanka “aysan ku farxi doonin” wax uu ugu yeeray “xirmo haddiyad ah” oo ay u direen, xilli ay u dabbaal dagayeen maalinta xoriyaddooda, sida ay sheegtay waklaadda warraka dalkaas.

Korea-da Waqooyi, ayaa gantaalkan oo looga magac daray Hwasong-14, waxa ay talaadadii ka tijaabisay garoon diyaaradeed oo ku yaalla meel ku dhow xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Shiinaha.

Korea-da Waqooyi ayaa sheegtay in gantaalka uu gaaray masaafo hawo oo dhan 2,802 KM kadib markii uu socday 39 daqiiqo.

Kadib qiimeyn ay sameeyeen, ayaa khuburo Mareykan ah waxa ay sheegeen in gantaalka uu u muuqdo inuu gaari karo gobolka Alaska ee dalak Mareykanka.

Wakaaladda Wararka dalkaas ee KCNA ayaa sheegtay in Kim Jong Un, oo “wejigiisa ay ka muuqato dhoola-caddeyn” uu saynisyahanada dalkaas ugu baaqay inay “hadiyado waa weyn iyo kuwa yar si joogto ah ugu diraan Mareykanka”.