Video+Sawiro:-Gaalkacyo oo wadooyin cusub oo Laamiya laga dhagax dhigay

Duqa magaalada Gaakacyo Maxamed Yaasiin Tumey iyo Maamulka Gobolka Mudug ayaa maanta dhagax dhigay labo wado oo Laamiya,kuwaasoo loogu kala magac daray ala ha unaxariistee Cumar Dheere iyo Jazeera Hotel.
 
Wadooyinkan cusub ee laamiga casriga ah noqon doona ayaa isku xiri doona qaybo muhiim ah oo magaalada Gaalkacyo ka mid ah sida wadada Fooneeyaha iyo wadada aljazeera Hotel ee laamiga wayn gasha.
 
Gaalkacyo ayaa dhawrkii sano ee u danbaysay si wanaagsan uga faa’idaysanaysay barnaamijka JLPG ee horumarinta magaalooyinka ee Puntland.
 
Duqa hada hogaanka magaalada haya ee Maxamed Yaasiin Tumey ayaa mudadii uu xilka uu hayay waxuu ka hirgaliyay magaalada barnaamijyo horumarineed oo la taaban karo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka