Xulufada sacuudiga oo ka arinsanaya xaalada Qadar kadib cunqabatayntoodii

Dalalka Baxreyn, Masar, sacuudi Carabiya iyo dalka Isu taga Imaaraadka ayaa ka wadaxaajoonaya xaaladda dalka Qadar ,bil uun ka dib markii ay xiriirka u jareen.
 
Kulanka wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ay ku yeelanayaan magaalada Qaahira ayaa imanaya maalin uun ka dib markii uu dhamaaday waqtigii kama danbaysta ahaa ee loo qabtay Qadar in ay ku aqbasho shuruudaha loo soo bandhigay haddii kale ay wajihi doonto cunaqabtayn dheeraad ah .
 
Waxyaabaha laga dalbaday dowladda Qadar ayaa wax ka mid ah in ay albaabada isugu dhufato oo ay xirto talafeeshinka Al Jazeera ayna xiriirka u jarto dalka Iran.
 
Xukuumadda Qadar ayaa ku tilmaantay dalabaadkan mid aan macquul ahayn islamarkaana aan la fulin karin.
 
Qadar ayaa lagu eedeeyay in ay xasilooni darro ka abuurayso gobolka iyada oo taageeraysa kooxaha xagjirka iyo argagixisada – taasi oo ay Qadar beenisay.
 
Dalkan yar ee ku yaalla gacanka ayaa waxa cunaqabatayn dhaqaale iyo mid dublamaasiyeed ku soo rogay dalalka Sacuudiga,Masar ,Imaaraadka iyo Baxrayn.
 
Xanibaadahan ayaa jahwareer ku keenay dalkan qaniga ku ah gaaska iyo saliida islamarkana shacabka ku nool oo dhan 2.7 milyan ay ku tiirsan yihiin waxyaabaha dibadda looga keeno .
 
Maalintii Isniinta ayaa dowladda Sacuudiga iyo wadammada kale ee Carbeed ee ay jaalka yihiin waxey laba maalmood oo dheeraad ah ugu dareen Qadar in ay ku fuliso shuruudaha ay u soo bandhigeen.