Dawlada Puntland oo digniin udirtay cid kasta oo ka hor timaada qaadashada lacagta Sh.Somaliga ah

Maalmihii udanbeeyay waxaa ka taagnaa Magaalooyinka waa weyn ee Gobolada Dhexe sida Beledweyne,Caabudwaaq iyo Guriceel xasarad ku aadan diidmo la diiday qaadashada lacagta Shiling Somaliga ah.
 
Go’aanka lagu diiday lacagta Shilin Somaliga ah ayaa waxaa soo saaray kooxda argagixisada ah ee Alshabaab,waxayna amar ku siiyeen Ganacsatada Beledweyne in aysan qaadan lacagta shilin Somaliga ah,gaar ahaan mid ay ku sheegeen in ay Puntland soo daabacdo.
 
Alshabaab ayaa ka taliya inta badan deegaamada Gobolka Hiiraan ,taasoo ku khasbaysa ganacsatada reer Beledweyne in ay fuliyaan amarada ay soo saraan alshabaab.
 
Amarka alshabaab ayaa kusii fiday deegaamada kale ee Gobolada Dhexe sida Magaalooyinka Caabudwaaq,Guriceel iyo Cadaado.waxayna dhaman magaalooyinkaas ganacsatadoodii joojiyeen isticmaalka lacagta Shiln Somaliga ah.
 
Dhanka kale Shalay waxaa soo gaaray Beledweyne lacag shilin Somaliya oo duug aadna u fara badan,taasoo dhaqaajisay ganacsigii taagnaa.lacagtaas ayaa ka timid dhanka magaalada Xamar kadib markii dawlada fadaraalku soo faragalisay xaalkii cakirnaa ee Beledweyne.
 
Hadaba maanta magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay Mudaaharaad looga soo horjeedo lacagtaas Duuga ah ee Xamar ka timdi ,kadib markii Ganacsatada magaaldu iyaguna dhankooda bilaabeen kala saarida lacagta Shlin Somaliga ah.
 
 
Dawlada Puntland oo maanta oo khamiis ah ay Golaha Wasiiradeedu lahaayeen shirkoodii Todobaad laha ahaa,ayaa sheegtay in diidmada lacagtu ay tahay duullaan cusub oo al-Shabaab ummadda Soomaaliyeed ku soo qaadeen, waxaana digniin loo direy cid kasta oo u hoggaansata amarka al-Shabaab.
 
 
isku soo wada duuboo Dawlada Puntland ayaa dhankeeda daabacata lacag Shlin Somaliya ah,taasoo lagu kabo miisaaniyada Puntland,waxayna mararka qaar ku keenta sicir barar sarifka Dolar-ka,balse mahan lacagtaas mid khatar weyn ku haysa nolosha dadka iyo sarifka lacagaha qalaad ee suuqyada Puntland.