Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha shacabka, Xildhibaanno iyo howl wadeenada Golaha Shacabka.
 
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa kulan gaar ah oo ay kaga hadlayeen dar dar gelinta howlaha golaha shacabka oo kalfadhigiisa labaad dhawaan la filayo in uu furmo Muqdisho ku yeeshay qeybta nasashada ee Garoonka.
 
Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari iyo labadiisa ku-xigeen ay ka wada hadleen shirka Golaha Shacabka oo furmayo 8- bisha July oo ah maalin sabti ah.