Trump oo markii ugu horaysay digniin udiray Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa sheegay in Mareykanku ku howlan yahay la tacaalidda waxa uu ugu yeeray tallaabooyinka khalkhal gelinta ammaanka ee uu wada Ruushka.

Trump ayaa jeediyay hadalkan ka dib markii uu la kulmay dhigiisa waddanka Poland, Andrzej Duda. Trump ayaa booqasho ku jooga caasimadda Poland ee Warsaw.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay in bartamaha iyo bariga Europe ay nabad ahaato.

Waxa uu Trump ku ammaanay madaxweynaha Poland inuu tusaale u noqday ilaalinta waajibaadka dhaqaale ee NATO.

Galinka dambe ee maanta, ayaa Trump waxa uu jeedinayaa khudbad ballaaran oo ku saabsan xiriirka Mareykanka iyo Yurub, waxaana la filayaa inuu uga hadlo waxyaabaha aasaasiga ee xiligan la isaweydiinayo ee la xiriira mustaqbalka ammaanka galbeedlka.

Madaxweyne Trump ayaa markii ugu horreysay Jimcahan kula kulmi doono dalka Jarmalka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada qeybgeli doona shirka waddamada G20 ee ka furmaya dalka jarmalka Jimcaha.

Trump ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Poland waxa uu sidoo kale khudbad uu ka jeedin doonaa shir madaxeedka hogaamiyayaasha bartamaha iyo bariga Yurub, isaga oo ugu hadli doona in gaaska Mareykanka ay tahay in dalalkaasi loo soo dhoofiyo si ay u yaraato ku tiirsanaantooda tamarta Ruushka.