Video:-Madaxtooyada Somaliland oo beenisay in madaxweyne Siilaanyo

Husseyn Aadan Cige Deyr Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo shir jaraaid qabtey ayaa waxaa uu ka Hadley warar la isla dhax mariyey oo ku saabsan in Madaxweyne Siilaanyo uusan caafimaad ahaan wanaagsaneyn.

Afhayeen Deyr ayaa waxaa uu beeniyey in Madaxweyne Siilaanyo uu xaalad caafimaad xumo ku jiro, isagoona intaa ku daray in uu aad u wanaagsan yahay.

“Madaxweynuhu waxaa uu ku jiraa mid kamid ah marxaladaha ugu wanaagsan ee uu ku jiro qof caafimaadkiisu taam yahay, wararka been abuurka ah sida aad u maqashaan ayunbaan u maqalnaa, madaxweynahana ilaahey caafimaadka ha u kordhiyo” ayuu yiri Afhayeen Deyr.

Dhawanahanba waxaa suuqa ku jirtey in Madaxweyne Siilaanyo uu ku jiro xaalad caafimaad xumo oo safaradii uu dibada ugu maqnaana lagu sheegey in uu xaalad caafimaad u maqanyahay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka