Trump iyo Putin oo markii ugu horaysay kulmay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horreysay fool ka fool u kulmay. Labada hogaamiye waxay ku kulmeen shir madaxeedka G20 oo maanta ka furmay magaalada dalka Jarmalka ku taalla ee Hamburg.
 
Waxaa lagu wadaa inay ka wada hadlaaan sidii ay boorka uga jafi lahaayeen xiriirka labadooda dal oo sii xumaaday markii Moscow lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashada Mareykanka.
 
Wali ma cadda in warbaahinta loo oggolaan doono inay ka qeybgasha shirkaasi iyo in ay shir jaraa’id qaban doonaan labada hogaamiye.
 
Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu farageliyay doorashadii Mareykanka si uu ugu soo baxo musharaxa uu door bidayo iyo inuu shakhsigaasi saameyn ku yeesho.
 
Madaxweyne Trump ayaa suuragalnimada arrintaa qiray markii uu usoo socday magaalada Hamburg ee uu shirka ka dhacayo, sidoo kalana waxa uu Ruushka ku eedeeyay inuu si bareer ah xasilooni darro uga abuurayo Ukraine, eedaymahaasi oo dhammaantood uu diiday aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo Ruushka.
 
Labadan masuul ayaa rajaynaya inay meel dhexe isugu yimaadaan, balse loolanka shakhsiyadeed ee u dhaxeeya ayaa ka tarjumaya kala qeybsanaanta ba’an ee ka dhex jirta hoggaanka dalalka ugu dhaqaalaha buuran caalamka.
Hogaamiyayaasha G20 ayaa arrinsan doona aarima muhiim ah sida isbdelka cimilada.
 
Madaxweyne Trump ayaa kali ku noqon doona diidmada heshiiskii caalamiga ahaa ee Paris ee lagu dhimayay heer kulka sii kordhaya ee caalamka, hasayeeshee hogaamiyaha Jarmalka ee martida loo yahay ayey tahay inay ku dadaasho ilaalinta mowqifka inta badan wadammadii heshiiskaasi ansixiyay.
 
Arrimaha kale ee sida weyn looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah muranka dhanka ganacsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa Waqooyiga Kuuriya.