Xabsi ku yaalla Maksiko oo 28 maxbuus lagu dilay

Maydadka ayaa laga soo saaray jikada iyo goobta la isku booqdo ee xabsiga sida uu sheegay Roberto Álvarez oo ah afhayeenka arrimaha ammaanka ee dawladda.
 
Ma jirto wax astaan ah oo tilmaamaya in hub la adeegsaday ayuuna hadalkiisa sii raaciyay. Baaritaanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa shaqaalaha xabsiga.
 
“Arrintan waxaa kiciyay muran soo jiray oo dhexmaray kooxaha iska soo horjeeda ee xabsiga ku jira” ayuu hadalka ku daray.
 
Booliiska faderaalka iyo milatariga ayaa jaray bannaanka xabsiga Las Cruces oo la sheegay in ay maxaabiibtu buux dhaafiyeen ayna ku jiraan in kabadan 2,000 oo maxbuus.
 
Magaalada Acapulco ayaa ka mid ahayd magaalooyinka ugu caansan ee loo dalxiis tago, laakiin rabshadaha ayaa ku batay ka dib markii ay budhcad isku dagaaleen cida gacanta ku haynaysa hawlaha sharcidarrada ah ee magaalada. Waxayna hadda noqotay magaalooyinka ugu dhimashada badan ee dalka Maksiko.
 
Tan ayaa ka mid ah dhacdooyin ay dad badan ku dhinteen oo Maksiko ka dhacay sannadkan. Bishii May ayaana ahayd middii ugu dhimashada badnayd ee dalkaas soo marta tan iyo sannadkii 1997dii, markaas oo la billaabay in diiwaan galin rasmi ah la sameeyo iyadoo ay dhinteen 2,186 ruux.
 
Bishii Desembar ee 2006dii ilaa bishii May ee sannadkan waxaa dalkaas lagu dilay 188,567 sida uu dhigayo diiwaanka dawladdu.