Qoys lagu xasuuqay duleedka muqdisho

Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa Ceelasha-biyaha iyo Siinka Dheer ayaa sheegaya in Maanta halkaas lagu laayay Wiilal dhalinyaro ah oo uu dhalay Ganacsade Caan ah oo lagu Magacaabo Xaaji Gaabow.
 
Dadka la laayahay oo gaaraya ilaa Shan Qof ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Muqdisho,waxaana ay wadeen Meyd ay doonayeen in ay soo duugaan ,iyadoo halkaas lagu dilay ilaa 5 Qof.
 
Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Xaqiijiyay in halkaas lagu laayahy illaa Lix Qof oo ka mida Familka Reer Xaaji Gaabow.
 
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay in ay fulisay dilkaas,balse muqdisho ayay wax caadiya ka yihiin dilalka qorshaysan iyo qaraxyada.