Video:-Kalafadhigii Baarlamaanka fadaraalka oo furmay iyo madaxda somalida oo kawada hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Maxamed Farmaajo ayaa furay Kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya.
 
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray wax qabadka dowladda, isagoo intaasi ku daray in howllo adag ay horyaalaan baarlamaanka kalfadhiga 2-aad ee maanta furmay
 
Furitaanka kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynayaasha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo Gudoonka maamulka Gobolka Banaadir.
 
Madaxweyne Gaas oo furitaanka kalfadiga 2-aad ayaa ka jeediyey khudbad uu diiradda ku saaraywax qabadka golaha shacabka.
 
Madaxweynayaasha Puntland ayaa sheegay in baarlamaanka fadaraalka xilligan looga baahanyahay in ay gutaan waajibaadka horyaalla, si ay u sahlanaato in dowladu ay iyana gudato howlaha horyaalla.
 
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo isna ka qayb galay kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu uga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiim saneyd arrinta maqaamka caasimadda.
 
Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed ayaa baarlamaanka Federaalka soomaaliya iyo Madaxda kale ee Dowladda waxa uu ka codsaday in ay ka qayb qaataan sidii bulshada kunool caasimadda ay u yeeshaan maqaam gaar ah, maadaama muddo badan Arrinta maqaamka caasimadda laysku qilaafsanaa.
 
Isku soo wada duuboo kalafadhigan baarlamaanka fadaraalka ayaa waxaa horyaala arimo fara badan oo muhiim ah oo ay ugu horayso la xisaabtanka xukuumada,iyadoo ay jiraan baqdin iyo walwal ay xukuumadu ka qabto in la horkeeno baarlamaanka mooshin ka dhan ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka