Ganacsigii Bosaso oo dib ufurmay iyo wada xaajood dawlada iyo ganacsatada usocda

Waxaa maanta albaabada loo xiray suuqyada ganacsiga ee magaalada Boosaaso, kadib markii ganacsatadu ay ka biya diideen canshuur macaash ah oo la dul dhigay ganacsatada ku jirta guryaha ijaarka ah.
 
Gancsade ka mid ah kuwa xiray goobahooda ganacsi ayaa sheegay in ay si weyn uga cabanayaan canshuurta cusub oo 4% ah kirada guryaha laga qaado.
 
Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays ayaa xaqiijiyey in uu hada ka socdo Rugta ganacsiga kulan ganacsatada iyo dowladda u dhexeeya kaasoo lagu maareeynayo cabashada ganacsatada, wuxuu kaloo Guddoomiyuhu intaas ku daray in ganacsigii uu dib u furmay, loona saaray Guddi ka kooban Rugta Ganacsiga Puntland, Wasaarada Maaliyad iyo maamulka Gobolka.
 
Ma aha markii ugu horeysay ee dowladu isku daydo in ay hirgeliso canshuuro, balse mar walba waxaa diidmo uga imaaneysay Ganacsatada oo sheeganayey in ay ku culus tahay bixinta canshuurtanoocaas ah.
 
Ganacsatada Puntland ayaa hela faa’ido xoog leh,balse aan ogolayan in ay bixiyaan canshuurta rasmiga ah ee ku waajibtay.
 
Jibril Qoobey.