Juxaa oo bahdilaad joogta ah ay ku haysato muqdisho!!!

Wasiirka arimaha Gudaha fadaraalka Cabdi Faarax Juxaa,ayaa dawlada fadaraalku ka qaadatay ciidamadii ilaalada gaarka ah u ahayd.

Juxaa ayaan ilaa iyo dhawr beri shaqo tagin kuna sugnaa Hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho.

Wasaarada Gaashaandhiga Fadaraalka oo uu kasoo baxay amarka looga qaaday Juxaa ilaaladiisa gaarka ah,ayaa ku macnaysay ka qaadida Wasiirka ilaaladiisa amar dawladu soo saartay oo ku aadanaa in dhamaan shirkadaha gaarka loo leeyhay iyo ilaalada khaaska ah ay isku diiwaan galiyaan mudo sodon cisho gudahood ah.

Saraakiisha Ciidamada fadaraalka ayaa ku doodaya in ay ciidamo kale oo ka diiwaangashan wasaarada Gaashanadhiga udireen wasiirka,balse uu diiday kuna adkaystay in dib loogu soo celiyo ciidamadii hore ee uu kalsoonida ku qabay.

Juxaa wasiirka arimaha gudaha ayaa tan iyo intii loo dhiibay xilkan waxuu la kulmay bahdilaad fara badan oo isdaba joog ah oo ay tani ugu danbaysay.

Suaasha is waydiinta mudan ayaa ah wasiirka waayay gaari uu ku shaqo tago iyo ilaalo amnigiisa gaarka ah sugta muxuu ka qaban karaa amniga iyo maamulka guud ee Jamhuuriyada,

Talaabadan looga qaaday Juxaa ilaaladiisii gaarka ahayd ayaa ah mid yaxyax iyo foolxumo ku ah wasiirka iyo guud ahaan dawlada fadaralka.

Xogo hoose ayaa sheegaya in ay ka danbeeyaan bahdilaadan wasiir Juxaa lagu hayo masuuliyiinta dawlada fadaraalka ugu saraysa.

Jibril Qoobey.