Madaxweyne Gaas oo Caaqil Shuuqe u magacaabay xubin Gudiga Doorashada KMG Puntland

Dikreeto ku taariikheysan 27 bishii June 2017 ayuu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ugu magacaabay xubin ka mid noqonaysa guddiga doorashooyinka kumeelgaarka ee hanaanka asxaabta badan Puntland Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye (Shuuqe).

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa u cuskadey magacaabista Caaqil Shuuqe ka dib markii uu arkey dastuurka Puntland, Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo.

Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe ayaa soo noqday Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Sidoo kalena wuxuu madax kasoo noqday guddiyo dib u heshiisiin oo gudaha iyo dibada dalka kasoo qabtey shaqooyin nabadeyn.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Caaqil Shuuqe isu diyaarinayo qabashada Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Kumeelgaarka ee Puntland oo uu mar sii horeysay iska casilay Ex Gudoomiye Axmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo ).

 

Xigasho Wariye Abshir Dhiirane