Sawiro:-Ciidamada difaaca Puntland oo dilay 20 kamid ah alshabaab saldhigyana ka gubay

Xaaladda deegaamadii ay ku dagaalameen ciidanka difaaca Puntland iyo Alshabaab ee buuraleyda Galgala ayaa saaka degan kadib markii, sida ay sheegeen saraakiisha ciidan dowladda Puntland.
 
War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa lagu sheegay in ay ciidamadu burburiyeen saldhigyo muhiim ah ay lahaayeen alshabaab,
 
“Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka waday Buuraha Cal madow hawlgalo sifayn ah oo ka dhan ah ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland, ayaa gaaray guulo muhiim ah, kadib markii ay burburiyeen talisyo ururka Al Shabaab ku lahaayeen aaggaga Madarshoon,Diindigle,Biyo Madow iyo Mariidle ee Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka ay ciidamada PSFta.
 
Ciidamada difaaca Puntland ayaa gaaray guulo muhiim ah waxayna ku dileen weeraradan ugu danbeeyay ee ay ku qadaeen kooxaha argagixisada ah 18 kamid ah maleeshiyada alshabaab oo ay ku jiraan saraakiil,sidoo kale waxay ku gubeen agab iskugu jira Rasaas,dawooyin ,Raashin iyo Hub.
 
Tan iyo intii maleeshiyada kooxaha argagixisada ah ee alshabaab ay gaadmada ku dileen tiro ka mid ah ciidamada difaaca Puntland waxay ciidamadu wadeen hawlgalo xoog leh oo lagu sifaynayo argagixisada.