Video:-Gabadha Trump oo shirka G20 ku matashay Aabaheed iyo caanbarayn baalaran oo ay la kulantay

Warbaahinta Dalka Maraykanka ayaa siwayn uga Faalootay Taariikhda Markii i ugu horaysay oo Qof aan la dooran ku Fadhiistay Kursigii Madaxwyanaha, Kadib markii Gabadha uu dhalay Madaxwayne Trump ay Aaabaheed ku matashay Kursiga shirkii G-20.
 
Aqalka cad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta qof aan la dooran, isla markaana ah gabadhii Madaxweynuhu ay ugu fariisatey kursigii Madaxweynaha iyada oo dhinac fadhida hoggaamiyaasha caalamka. Warka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Ivanka ay fadhidey gadaal, laakiin markii Donald Trump uu banaanka u baxay si uu ula kulmo hoggaamiyaal kale ay iyadu sii fariisatey.
 
Kulanka Trump isaga abxay ee Gabadhiisu u meteshey, ayaa looga hadlaayey Afrika, taas oo la is weydiinayo siyaasadda Trump ee Afrika heerka ay taagan tahay.
 
Ivanka Trump ayaa canbaareyn kala kulantey falka ay ku kacdey waxaana baraha bulshada is qabsadey in qof aan la dooran uu metalayo dalkii ugu awooda iyo dhaqaalah weynaa dunida,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka