Video:-Madaxweyne Farmaajo ciidanka Qaran ma waxuu yaqaan maleeshiyada Xamar?

Farmaajo isagoo qiiraysan oo erayo wadaniyadeed afkiisa ay ka burqanayaan ayuu xalay kasoo dhex muuqday xaflad lagu sheegay in loo qabtay taageerida ciidamada qalabka sida ee Somaliya.

Hadaba in ciidanka la taageero waa talaabo loo baahnaa oo aan marna la dhaliili karin,balse waxaan laga aamusi karin ayaa ah sida madaxweyne Farmaajo uga fog yahay ama iskaga indho tirayo waaqiciga taagan.

Waxa is waydiinta mudan ayaa ah ciidanka uu madaxweynuhu leeyahay hala taageero oo dhaqaale haloo urursho oo Acount haloo sameeyo waa kuwee?

Waxa is waydiinta mudan ayaa ah ma waxuu u yaqaanaa ciidanka Qaranka maleeshiyaadka Xamar xooga ku haysta ee tuutaha Qaran loo galiyay?

Waxa is waydiinta mudan ayaa ah madaxweynuhu ma sidaan ayaa ka dhab ah mise waa si yeelyeelayaa?

Ugu danbayntii madaxweynaha waxaan leenahay waaqiciga kusoo dhawoow haday dhab kaa tahay in ciidankii qaran dib loo yagleelo wajah wadada saxda ah.

Maleeshiyadii Xamar dadka kasoo barakicisay ee burburisay Qaranimadii Dalka ,isla markaana xooga ku haysata hantidii Umada in aad maanta u sacabtunto oo tiraahdo Acount ayaan ufurnaye ugu soo shuba Somaliyey dhaqaale ay kusii haystaan Xoolaha UMada waaqicig´mahan madaxweyne farmaajoow.

Majiro Ciidan Qaran oo maanta dhisan balse waxa jiri kara dib u dhis ciidan qaran.

Hoos ka daawo muuqaalka khudbada madaxweyne Farmaajo ee waaqiciga ka fog.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka