Video:-Puntland iyo Jubaland oo si wada jir ah uga hor yimid sharciga isgaarsiinta ee dawlada fadaraalku wadato

C/nuur Cali Aadan wasiirka wasaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa sheegay in shir 06- bishii May ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradaha isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada looga wadahadlay arimo ku saabsan sharciga isgaarsiinta dalka, waxa uu sheegay in shir kale lagu ballamay in la isugu yimaado magaalada Kismaayo si loo dhameystiro sharciga islamarkaana madaxda dowlad goboleedyada kasoo talo bixiyaan.
 
“Waxaan ku ballannay Sharciga in naloo soo diro oo aan ka talo bixinno, way noo soo direen waana ka talo bixinnay, shir guud oo la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo talooyinkii lasoo jeediyay ayay ahayd in Kismaayo la isugu yimaado 05 bishan, mana dhicin, oo waxaan ka warhelnay in xukuumadda loo gudbiyay oo ay meelmarisay sharciga” ayuu wasiiirku hadalkiisii raaciyay.
 
Waxa uu sheegay in wixii ka yimaada arintaasi in uu masuuliyaddeeda qaadan doono wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.
 
Dhanka kale dawlada Puntland ayaa iyana dhankeeda ka hor timid sharcigaas ku saabsan isgaarsiinta ee ay ku talo xumaatay dawlada fadaraalka,
 
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Puntland cabdirisaaq Shiikh Aduunyo ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay arinkaas.
 
Cabdirisaaq Shiikh Aduunyo wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Puntland ayaa sheegay in xeerkan aan lakala tashan,isla markaan uu ugooni yaay dawlada fadaraalka oo kaliya.
 
”Waxaan ku balansanayn shir aan Kismaayo iskugu nimaano hadaan nahay dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo wasaarada isgaarsiinta fadaraalka,balse waxaan ka war helnay xeerkii waxaa loo gudbiyay golaha wasiirada fadaraalka oo waa la ansixinayaa shirkii Kismaayo waa la fashiliyay”ayuu yiri Shiikh Aduunyo.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka