Video:-Garaad Saleebaan oo iska diiday shirka Farmaajo xamar ka abaabulayo ee Puntland looga soo horjeedo

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah isimada ugu miisaanka culus ee soo jireenkana ah ee Puntland ayaa iska fogeeyay in uu qayb ka yahay ama wax ka og yahay ama wakiil udirsaday shirka Xamar ee uu abaabulayo madaxweyne Farmaajo.
 
”Aniga cidna ima matasho shirkaas shaqo kuma lihi ina Dabagooye ma dirsan mana wakiilan Dhulbahante ha ogaado,Puntland ha ogaato Somali ha ogaato”ayuu yiri Garaad Saleebaan.
 
Magaalada muqdisho waxaa ka socda abaabulka shir madaxweyne Farmaajo dabada ka riixayo oo uu iskugu keenayo isimada iyo siyaasiyiinta beesha Dhulbahante,
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalgaliyay shaqsiyaad sheegta siyaasiyiin iyo isimo kuwaasoo kasoo jeeda beelaha Puntland qaarkood sida Dishishe iyo leelkase,waxyan durba bilaabeen qorshaha laga leeyahay ay tahay kala qaybinta bulshada Puntland.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa faragalintan oo kale ku sameeyay Puntland xiligii uu Ra’isalwasaaraha ka ahaa dawladii KMG ahayd ee madaxweyne Shiikh Shariif hogaaminayay,
 
Ujeedka Farmaajo ayaa ah carqaladaynta nidaamka dawliga ah iyo midnimada Puntland oo uu khatar weyn u arko.
 
Hoos ka daawo muuqaalka Garaad Saleebaan oo saxaafada la hadlay.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka