Video:-Jen.Jaamac Maxamed Qaalib oo iska casilay jagadii aan lagala tashan ee Farmaajo u magacaabay

Jen. Qaalib oo wareysi siiyay Tv-ga Universal ayaa sheegay inuu ka cudur daartay xilkaas loo magacaabay, isagoo tilmaamay in aan lagala tashan, magacaabidiisa ay ku dhacday khalad.
 
“Xilkaasi waan ka cudurdaartay mid aan qaban karo maaha, iyadoo sabab kale la sheegin, anigu himiladeydu waxa weeyaan wixii aan taariikh Soomaaliyeed ka garanayo inaan dhallinyarada jaamacadaha dhigta u gudbiyo, taana waan ku howlanahay, wax kalena kuma dari karo, marka waan ka cudur daartay, madaxdana waan u gudbiyey, aniga la igalama tashan mana aqbalin sababo kale weeye taasi, mar horey la ii weydiiyeyna waan ka cudurdaartay oo ma qabanayo ayaan ku iri, waxaan filayaa in si qalad ah ay ku dhacday, haddii iyaguba wax i weydiin inaan wax sheego kuma qasbaneen”
Sarkaalkan ka mid ah saraakiisha tirada yar ee khibrada leh ee Somaliyed,ayaa ka mid ahaa martidii lagu casumay munaasabada, isla markaana si lama filaan ah Madaxweyne farmaajo ugu magacaabay xilkan.
 
Jeneraalka ayaa aada uu la yaabay sida fudud ee madaxweynuhu ugu magacaabay xil aan laga tala gelin, isla markaana lagala tashan.
 
Farmaajo ayay ku tahay dharbaaxo waji gabax ku ah diidmada Jeneral Qaalib waxayna talaabadan banaanka soo dhigtay fuddaydka madaxweyne Farmajao,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka