Diyaarad milatariga maraykanku leeyahay oo ku qaraxday Mississippi.

Ugu yaraan 16 ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay qaraxday diyaarad ay leeyihiin milatariga Maraykanka oo ku dhacday Mississippi.
 
Shilka diyaaradda ayaa ka dhacay deegaanka LeFlore oo 160 kiiloo mitir u jirta Jackson.
 
Dhamaan 16kii ruux ee saarnaa midkoodna kama badbaadin sida uu sheegay Fred Randle oo madax ka ah gurmadka degegga ah ee Leflore.
 
Gafernatooraha Missisippi Phil Bryant ayaa sheegay in dhacdadani ay masiibo tahay.
 
“Raga iyo Dumarka qalabka sida maalinkaste naftooda ayay khatar galiyaan si ay xoriyaddeena u ilaaliyaan” ayuu yiri.
 
Ma jirin faahfaahin dhamaystiran oo durba laga bixiyay waxa dhaliyay shilkan.