Maamulayaashii iskuulada Jowhar oo alshabaab hsir la qaatay iyo dawlada fadaraalka oo xabsiga u dhaadhicisay

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dawlada fadaraalka,ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ku xir xiray Maamulayaasha Iskuulada ku yaala Magaalada Jowhar ee Xarunta Shabeelaha Dhexe.
 
Saraakiisha NISA ayaa sheegay in maamulayaasha Iskuulada ay tageen Meel ay maamulaan Al-shabaab kadibna ay kulan la soo qaateen Dagaalamayaasha Al-shabaab sidaas darteedna ay su’aalo weydiinayaan.
 
Wararka ayaa sheegaya in maamulayaasha iskuulada ku yaalla Jowhar maalmo ka hor Al-Shabaab ugu yeereen deegaanka Gamboole oo 40KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jowhar.
 
Ciidamada Nabadsugida ayaa xabsiga dhigay maamulayaashan, waxaana lagu eedeeyay inay tageen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, iyagoo fulinaya awaamiirtooda.
 
Dadka la xiray ayaa Maamulo ka ahaa ilaa 7 Iskuul oo ah kuwa ugu waa weyn Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe waxaana la sheegay in Su’aalo la weydiinaayo sababtii ay halkaasi u tageen.