Meerehee Kayimaadeen Maaris Mise Meel Kale. W/Q Abdirisak Ahmed Ali.

Waa malahaygee Cawaale Maroodi, Cige Maroodi, iyo Canab Maroodi waxa ay ka yimaadeen meeraha “Mars“, cimri ahaan waxay inaka weyn yihiin 460 sano, waxa dhalay reer qansax oo jinsi ahaan ku abtirsada “dad kasoo jeeda islameerahaas” waxa waxbaray macallimiin khuburo ah oo lagasoo dhex hindhisay barbaarta jinka, waxa dhashay qalanjo 67 baac ah, waxa ay foolanaysay fatro yar oo 53 habeen ku gingiman, waxa ay ku dhesheen gobolka barwaaqo ee dhaca dhanka bogox ee meerahaha Maaris, Maalinkoodu waxa uu dhan yahay 72 saacadood, halkii saac waxa ay Xafidi karaan duruus 100 G.B lagu qiyaaso, Teknoolojidda waxa ay ka gaareen heer aan weli Arlada ka hirgelin, taas ayaana u fududaysay in ay kawnkan ka hirgeliyaan waxyaalo biiba oo bilaa naf ah, Muraayad laga dhex arko Midkoo Maraykan jooga waxa ay, waxa ay, waxa ay ooo op soori anoo hadalka si daran doori ah uwada waxa durbadiiba hadal igu boobay Bile oo bidixdayda fadhiyeyey oo yiri waa kuwama Ilma maroodi? Siyar baan intaan udaymooday dibnahana aan carrab ku qoystay ugu jawaabay ilma maroodi waa ”koronto dhaliyaha, kaare sameeyaha iyo kaamira keenaha” Bile aa inta uu baraarugay iisii bayaamiyey oo yiri armaa “ikhtiraacayaasha dunida u jeeda” weedhan durbadiiba naftayda ayaa saakin ku noqotay, oraahdaydii “Afkaaga labeen idaad lagu qabay” ka sokow waxa aan si dhib yar ugu jawaabay “haah” waa iyaga.
 
 
Bile intuu ashqaraaray buu yaab afka lakala jiiday oo yiri:
Ilma maroodi meelna kaama jiraan isku bah baad tihiin, dhanka cimrigana isku fil baad ka tihiin, waxa idin wada dhalay wiilashii ilma Nabi Nuux, meel kale kama imaane arladan baad kawada alkumanteen, waxa wax baray barayaasha maanta jooga kuwo kadib dhacsanaa qaarkoodna beled wax lagu barto sinji iyo faracba kuma lahayn, Maamada dhashayna haday cirka u boodo Mitir iyo sideetan kama badna, fool ahaana malin iyo gelinkeed bay ku sinayd, waxa ay ku dhasheen haday doonaan dooxada xiradaa-muudal ee dhacda bartamaha gobolka bari, dhererka maalintoodu waa afar iyo labaatan saaaaaa… “Sug-sug” waa kelmad aan ku banjariyey niyad wanaagii Bile iigu waramayey asii aanan ani dhab iiga daadegin aad iyo xoogna aan ugu miigtay taas bedelkeedana aan xanaaq la miyir doorsoomay, neerfaha dhafoorkuna ay sidii qaansa roobaadii cirka ay isku shareereen, xissi ahaana qofkii sidaas noqdaana uusan ka fursan karin wado uu ku damiyo irdhaha jaahwareeriyey, jaba waakan dambeeyee sow shaydaan iima carrabaabin in aan Bile feer aan muddo giijinayey dhabna aan uga baaraan degey, kalama bartilmaameed sa isha midig koodeeda illeen waatuu bidixda iga fadhiyey’e, allaa waakan bile ihor yaalla, sawkan shaydaakii durba iga duulay, saw anigan isweydiinaya sidee ilma maroodi layla barbardhigi karaa? Saw astacajabkii iguma laba lixaadsan, sawtan aan jabaq “wii” ay weheliso dhanka bari igagama imaan, mise waa boolis durbadiiba xagaa iyo saldhiga baalade iila biibay, baalade beryoba aanku baado maxumee sowtan maxkamadii anigoo jajuub ah lay wado, durbadiiba waxa ay indhahaygu qabanayaan maxkamadii iyo bile oo la garbinayo dood iyo isdifaac ka dib waxan garwaaqsaday in aniga iyo ilma maroodi aan boos biti lasaaro noo dhexaynin, halkiina aan bisinka ku boobay bile-na aan boowe iyo beloy bayr kala dhamaan waayey, deetona aan dib ugu laabtay xagaas iyo xabisigii baalade. Fariintan waxan kasoo dhex diray qolkayga yar ee xabsiga ku dhex yaalla.
 
 
MAHADSANIDIIN
 
Qore: Abdirisak Ahmed Gelinbacayn
 
Gmail: Gelinbacayn79@gmail.com