Sawiro:-14 maleeshiyada alshabaab ah oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga Puntland

War ka soo baxay Ciidamada amniag Puntalnd ee loo yaqaan PSF,ayaa lagu sheegay in Ciidanku gacanta ku dhigeen 14 dhalinyaro ah oo ay ku jiraan ajaanib kuwaas oo ka tirsan al-Shabaab.
 
kuna socdey in ay kamid noqdaan malaysiyada al-Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow.
 
Maleeshiyadan ka tirsan alshabaab ayaa waxaa qabtey dad reer guuraa ah oo deggan duleedka caasimada Puntland ee Garoowe, waxayna dadku deegaanku markii danbe ku wareejiyeen Ciidamada amniga ee PSF.
 
”Waxaa ciidamada amniga ee PSF u suurto gashay inay gacanta ku soo dhigaan 14 Alshabab ah oo u socda Buuraha calmadow ayagoo marayey duleedka magalada Caasumada ee garowe.
 
Waxaa mahad iska leh Allah oo noo suura geliyey qabashadoodii way mahadsanyihiin dhamaan laahaama kale ee amniga oo nala shaqeeyey. Shacabkeena sharafta badan ee reer Puntland iyo soomaaliya waxaanu ku dhiiragelinaynaa inay sidaas iyo si la mid ah ciidanka ula shaqeeyaan”ayaa lagu yiri warka lagu soo daabacay barta FC-ga ee ciidamada amniga Puntland ee PSF.
 
Maleeshiyada ayaa ku wajahnaa Buuraha Calmadow waxaana qorshohoodu ahaa in ay qayb ka noqdaan maleeshiyada alshabaab ee ka dagaalama Buurahaas sida laga soo xigtay Ciidamada amniga ee PSF.
 
Maleeshiyadan ayaa dadka deegaanka iskugu sheegay markii hore in ay yihiin Tahriibayaal itoobiyaan ah.
 
Waxaa ka jira gudaha Puntland tahriibyaal si xoog leh ugu qulqulaya,kuwaasoo inta badan ka dhuunta ciidamada amniga,waxaana marar badan tahriiibayaashaas ku dhex dhuunta oo isku ekaysiiya maleeshiyaadka kooxaha argagixisada.