Video:-Xaafiiska Isir-raaca muwaadinka oo laga furay Bosaso

Waxaa Xafiiskan iska kaashaday furidiisa maamulka gobolka bari kan degmada Bosaso iyo Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.
 
Baahida ugu wayn ee Xafiskan loo furay ayaa ahayd kadib markii baasaboorka soomaaliya ay Qaateen dad ajaaniib ah oo aan dalka soomaaliya udhalan.
 
Xafiiskan ayaa waxaa kushaqayn doona 9 kamid aha nabadoono kala matalaya qabaailada dagan gobolka Bari iyo dadka ka soojeeda Maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya, waxaana loo sameeyay xafiiskan buuga isiraaca qofka muwaadinka ah ee baasaboorka soomaaliga ah qaadanaya .
 
Gudigan nabadoonada ah ee arintan loo xilsaaray ayaa ka kooban 7 Xunbnood .
 
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo kahadlay furitaanka xaafiiska,ayaa faahfaahiyay baahida keentay in Maamulku uu furo xafiiskan.
 
Cabdi faarax oo ku hadlaayay magaca nabadoonada ayaa sheegay in masuuliyada ka saaran hawshan ay kasoo bxi doonaan.
 
Wasiir dowlaha wasaarada Amniga Puntland Cabdirisaaq Cali Geele ayaa sheegay in Xafiiskan uu sahlayo in sifudud lagu qabto dadka dabiilayaasha ah ee amniga lidiga Ku Ah,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka