Video:-Xildhibaan Fiqi”Hadalka kasoo yeeray Sh.Baaruud waa mid kicin,goodin iyo nacayb iskugu jira”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal habeen hore ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, isagoo ku tilmaamay mid halis gelinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan Xildhibaanada

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in hadalka Sheekh Nuur uu yahay mid hanjabaad toos ah oo halis galin kara nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka

“Hadalkii Sh. Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka iyo xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka isla markaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale yiri “Waxaa wax laga xumaado ah in madaxda sare ee dalku ay goobta waxaasi ka dhacayeen fadhiyeen, ayagoon wax fal celin ah arintaas ka dhihin, ayadii arintaasi aheyd hanjabaado toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada barlamaanka.

 

Hoos ka daawo muuqaalka hadalkii Shiikh Nuur Baaruud ee muranka iyo kacdoonka cusub dhaliyay.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka