Dhagayso:-Alshabaab oo Ganacsatada muqdisho kusoo rogay canshuur xoog leh

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inay helayaan telefoonno uga imanaya dad ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago baad ah oo Al-Shabab ugu yeertay Zako.
 
Olalahan ayay Al-Shabaab bilaabeen bil ka hor, waxayna ilaa iyo hada ka ururiyeen lacago fara badan Ganacsatada leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar Sida lagasoo xigtay qaar kamid ah Ganacsatadaas oo magacooda u qariyay sababo amni,
 
Ururka Al Shabaab ayaa ganacsatada ku amray inay tagaan deegaanada Aw-dheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.
 
U yeeritaankaas ayaa ku saabsan in looga dhaadhiciyo lacagaha laga qaadayo iyo sababta looga qaadayo intaba.
 
Inkastoo ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan inay ajiibeen dalabkooda, hadana waxay muujiyeen walaac ku aadan xaaladda lasoo daristay.
 
Lacagahan oo kumanaan kun kor u dhaafaysa, ayaa loogu yeeray Zakawaat, waxaana ururkaasi ku goodiyay inay cawaaqib xumo dhaxli doonaan ciddi ka dhaga adaygta, sida Ganacsatadu sheegeen.hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.