Kalafadhigii labaad ee Golaha Aqalka-sare ee Fadaraalka oo furmay

Madaxweynaha Fadaraalka Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay Kala-fadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
 
Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay xubnaha Aqalka Sare in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda.
 
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay inay jiraan howlo badan oo haatan horyaala golaha Shacabka Fadaraalka Somaliya.
 
Ajandayaasha horyaala ayaa waxaa ugu muhiimsan dib u eegista Dastuurka Fadaraalka iyo qodobo kale.