Trump oo dib u dhigay 3 Bilood oo kale Xayiraad ka Qaadida Sudan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 3 bil dib u dhigay go’aan kama dambeys ah oo la filayey inuu ka qaato in si joogto ah dalka Sudan looga qaado xayiraadda dhaqaale ee Mareykanka uu saaray.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ka hor inta uusan xafiiska ka tagin bishii Janaayo saxiixay amar madaxweyne oo si ku meelgaar ah xayiraadda dhaqaale uga qaaday Sudan muddo lix bilood ah. Trump ayaa shalay oo arbaco ahayd wajahayey waqti kama dambeys ah, oo haddii aanu tallaabo qaadin ka dhigi lahayd xayiraadda laga qaaday Sudan mid joogto ah.

Taa beddelkeeda ayaa Trump waxa uu saxiixay amar madaxweyne oo cusub oo saddex bilood oo dheeri ah ku daray muddada ku meelgaarka ah, kuna ekeysiiyey illaa 12-ka October.

Cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka uu saaray Sudan ayaa waxaa markii ugu horreysay lasoo rogay sanaddii 1997-kii markaasi oo Sudan ay u ogolaatay Osama Bin Laden inuu ku noolaado magaalada Khartoum.

Waxaa sidoo kale xayiraado dheeri ah la saaray dalkaasi kadib markii lagu eedeeyey xadgudubyo ka dhan ah bani’aadannimada oo ciidamada Sudan ay kula kaceen mucaaradka laga tirada badan yahay ee gobolka Darfur.