Video:-Qadar iyo Maraykanka oo heshiis wada gaaray

Wadamada Qadar iyo Mareykanka ayaa wada gaaray heshiis ay dadaal ugu gelayaan sidiii loola dagaalami lahaa maalgelinta argagixisada.
 
Hishiiskan waxa magaaladda Dooxa ku saxiixay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Rex Tillerson oo booqasho ku jooga Dooxa .
 
Hishiiskan ayaa imanaya xilli ay xiisad ka dhex aloosan tahay Qadar iyo wadamda carabta ee ay deriska yihiin oo Sacuudigu ka mid yahay, Wadamadan ayaa xiriirka u jaray Qadar kadib markii ay ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada ah ee bariga dhexe.
 
Qadar ayaa beenisay dhamaan eedeymahan, dadka ka faalooda arrimaha bariga dhexena waxay sheegayaan in heshiiskan ay dowladda Qadar la gashay Mareykanka uu muujinayo in xukuumada Doxa in lagu aamini karo la dagaalanka argagixisada.
 
Mr Tillerson ayaa sheegay in uu heshiiskani saameyn ku yeelan doono maalgelinta kooxaha argagixisada ah, korna uu u qaadi doono dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka