Video+Sawiro:-Ra’isalwasaare khayre oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Khamiis ah shirkooda u horeeyay ku yeelanaya magaalada Kismaayo, sida uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Kismaayo uu yimaado, isla markaana uu ku shir guddoomiyo shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada,hoos ak daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka