Wararkii udanbeeyay ee Qaraxii ka dhacay Siinka Dheer ee muqdisho

Talyaha Ciidanka NISA ee deegaanka siinka dheer ,ayaa ii sheegay in qaraxa uusan aheyn Ismiidaamin balse uu ka dhashay Gaari ay xalay halkaasi ku qabteen Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya kadibna uu Galabta qarxay.

Talyaha ayaa sheegay in ay Gaadiidka Xamuulka ah ee Soo gala Magaalada Muqdisho la weydiiyo damiin gaarigaasina uu ka mid ah Gawaari xalay halkaasi lagu qabtay oo laga sugaayay Damiin balse uu Galabta qarxay waxaana inta hada la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan 2 qof ku dhawaad 10 kalane waa ay ku dhaawacmeen oo dhamaantoodba ahaa Shacab sida ay noo sheegeen laamaha Amaanka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la soo qaaday dadkii qaraxaasi ku dhaawacmay waxaana qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo halis ah oo laga deyrinayo Caafimaadkooda.