Sawiro:-kala-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay

kala-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay

Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagusoo gabagabeeyay kal-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI oo mudo labo maalmood ah kasocdey hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Hadaba kal-fadhigan 5aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI oo uu hogaaminayay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa lagusoo jeediyay islamarkaana lagu ansixiyay ajandayaashii golaha 5aad ee kal-fadhiga 5aad ee xildhibaanada DDSI horyaalay oo ay kamid ahaayeen ansixinta hadal qoraalkii kal-fadhigii 4aad, warbixinta waxqabadka golaha xildhibaanada DDSI, Warbixinta waxqabadka xafiiska maamulka DDSI, Warbixinta waxqabadka maxkamada guud ee DDSI, Warbixinta waxqabadka hatidhawrka guud ee DDSI iyadoo guud ahaanba uu goluhu codbuuxa ku ansixiyay dhamaan ajandayaasha kalfadhigan.

Sidoo kalana waxay golaha xildhibaanada DDSI ay codbuuxa ku ansixiyeen miisaaniyada guud ee sanad miisaaniyadeedka 2010TI ee deegaanka oo cadadkeedu dhan yahay 15,305,930,020(shan iyo toban bilyan sadex boqol iyo shan milyan, sagaal boqol iyo sodon kun iyo labaatan birr).

Sikastaba ha ahaatee kal-fadhigan 5aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI ayaa waxaa lagu ansixiyay bayaano kale oo si xeel dheer oo cilmiyeysan loogu suntay qorshe bulshada deegaanka loogu abuurayo shaqooyin saboolnimada lagaga saarayo.