Video+Sawiro:-Daawo shirkii Golaha wasiirada fadaraalka ee kismaayo

Waxaa magaalada Kismaayo ka furmay shirka golaha wasiiradda xukuumadda fadaraalka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi intii uusan furmin Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu wasiiradiisa faray inay kulan isbarasho ah la yeeshaan wasiir walba dhigiisa Jubbaland.
 
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in shirarkaan ay leeyihiin wasiirada federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland uu hordhac uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah inuu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta.
 
Intaas kadib waxay golaha wasiirada fadaraalku ugada galeen shirkodii khamiislaha ahaa.
 
Golaha Wasiirada ayaa shirka ku ansixiyay sharciga Saxaafada oo dhowaan Wasiirka Warfaafinta ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameeyay qodobadii ay cabashada ka keeneen saxaafada.
 
Sidoo kale Waxaa shirka lagu ansixiyay sharciga Waxbarashada oo uu soo diyaariyay Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta.
 
Waxaa kaloo shirka lagu ansixiyay xuquuqda uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo markii u horeysay dowladda Soomaaliya ay xuquuq gaar ah u sameyn doonto madaxda dalka soo maray.
 
Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war saxaafadeed lagu faah faahinayo sharciyada lagu ansixiyay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka