Gudiga Arimaha dibada Baarlamaanka Fadaraalka oo ku baaqay in D.dib uga fiirsato go’aanka khilaafka Khaliijka

Warqadan oo shalay la gaarsiiyay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa loogu baaqay in dowladda dib uga fiirsato go’aankaas, isla markaana dood laga furo, dowladdana wada tashi la yeelato siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada golaha shacabka, si loo mideeyo ama la isku soo dhoweeyo mowqifka dowladda, taasoo yareyneysa in khilaafka Khaliijka uu saameyn ku yeesho xasiloonida dalka iyo danta shacabka ee xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac.
 
Qaar ka mid ah Madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo Senator ka tirsan Aqalka sare,ayaa dowladda Fadaraalka si toos iyo si dadban uga codsaday in dib u eegis lagu sameeyo go’aanka dowladdu ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka,waxayna soo jeediyeen in ay dib uga fiirsato dowladdu mowqifka dhex dhexaadnimada ah ee ay qaadatay.
Hoos ka akhriso warqada kasoo baxday Gudiga arimaha dibada ee Baarlamaanka Fadaraalka:-