Sawiro:-Ra’isalwasaare khayre oo kismaayo sagootin qurux badan loogu sameeyay

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida ay xili waliba Jubbaland iyo shacabkeedu ugu heelan yihiin wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland iyo golleyaasha dawlad gobolleedka is-xilqaankooda isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay Jubbaland.
 
“Aadbaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed iyo dhamaan dawlad gobolledka jubbaland oo si weyn noo soo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noo sameeyeen waxaanu u aragnaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Jubbaland”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
 
Dhanka kale Ra’isalwasaare Khayre oo uu weheliyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa booqashoku gaaray Deegaanka Goobweyn ee Duleedka kismaayo,halkaas oo u ah Ciidamada Jubaland goobta ay uga jiraan difaaca ugu shihseeya ee alshabaab.
 
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tagey Jaamacadda Kismayo oo xarun u ah Ciidanka Isku dhafan ee Dawladda, waxana uu kula dar-daarmay Ra’iisul Wasaaruhu in laga shaqeeyo danta guud, ciidankuna ay u diyaar garoobaan sido deeganada ay maamulaan shabaab looga xoreyn lahaa.