Warbaahinta caalamka qaybo ka mid ah oo baahiyay in la dilay Cali Dheere

Bog la yiraahdo Sofrep oo Maraykanka laga leeyahay waxna ka qora arrimaha amaanka iyo miltryga ayaa baahiyay weerarkii Khamiistii ka dhacay degaanka Kuunya Barow ee gobolka Sh/hoose dadkii lagu dilay uu ka mid ahaa Afhayeenka Al-Shabab Sh, Cali Max’ud Raage Cali Dheere.
 
Warkaan waxaa lagu sheegay in bogaan uu la hadlay dad xog xogaal ah oo ka tirsan saraakiisha militryga Soomaaliya iyo ilo wareedyo kale kuwaasoo u xaqiijiyay geeriday Cali Dheere sida warka ku qoran Bogga warkaan qoray waxaa uu sidoo kale sheegay in xogtaan oo gooni u ah uu warar xaqiijinaya in la dilay Afhayeenka Al-Shabab uu xataa ka helay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
 
Afhayeen u hadlay taliska Maraykanka Africa ee AFRICOM la yiraahdo ayaa u sheegay warbaahinta in weerarkii habeenkii Khamiista ka dhacay gobolka Sh/hoose ay dileen saraakiil iyo dagaalamayaal Al-Shabab ka tirsanaa dhankooda ay jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray.
 
Al-Shabab willi kama hadlin warkaan sheegaya in afhayeenkooda Cali Dhere la dilay hase ahaatee idaacadda Afkooda ku hadasha ee Andalus ayaa baahisay inay fashiliyeen weerarkii Kuunyo Barow ka dhacay. Dhawr mar oo hore ayay soo baxeen warar sheegaya in Cali Dheere oo ah Afhayeenka Al-Shabab la dilay hase ahaatee waa ay beenowday.