Alshabaab oo dilay mid ka mid ah dagaalyahanadooda

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay khaarijiyeen sarkaal ka mid ahaa ajaaniibta ka bar bar dagaalamayay oo u dhashay dalka Kenya, kaddib markii uu muran soo kala dhex galay.
 
Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo soo xiganayay ehelada sarkaalka la dilay iyo sirdoonka Kenya sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Mustaf Hassan Maxamed.
 
Sarkaalkan ayaa la sheegay in la dilay todobaadkii hore, markii uu ka soo hor-jeestay weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen gobolka waqooyi bari Kenya.
 
Wararka ayaa sheegaya in muran soo kala dhex galay Sarkaalkan iyo Taliyeyaashiisa ay keentay in la dilo.
 
Al-Shabaab ayaa horay u dilay muwaadiniin Kenyan ka bar bar dagaalamayay, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen Sirdoonka Kenya.