Dooni siday 90-Qof oo Qaxooti Soomaaliya oo soo gaaray Dekeda Berbera

Doon siday illaa Sagaashan qof oo qaxooti Soomaali ah oo ay ku jiraan 12 qof oo ka mid ah dadkii ka badbaaday doontii Xeebta Yemen diyaaraduhu ku doqeeyeen Bishii 3aad ee sanadkan oo intooddii badnayd ku geeriyoodeen weerarkaasi xaga cirka kaga yimid ayaa soo gaaray Dekadda Berbera.
 
Qaxootigan oo 12 qof oo dhaawac ahi la socdaan ayaa laga soo dajiyey,isla markaana la dajiyey goobo ay xukuumaddu ugu tallogashay inay saddex cisho ku nastaan, taas oo ay iska kaashadeen xukuumadda, unicef iyo IOM.
 
“ Dadkan qaxootiga ahi waxay ka yimaadeen Yemen, waxa ku jira shan qof oo jajaban oo ay biro ku jiraan, saddex qofna ay go’an yihiin xubnaha jidhkooda, waxa kale oo jirta gabadh ku indho beeshay oo doontii la wareeray la socotay, inta kale way wanaagsan yihiin, wixii kale ee xanuunsaday xaaladoodda waanu la tacaali doonnaa”ayuu yiri Cabdiqaadir Axmed oo ka socday hay’adda IOM oo ka warbixinayey dadkan qaxootiga ah
 
Dadkan ka soo badbaaday weerarkaasi arxan darradda ahaa ee ay gaysteen diyaarado loo malaynayo inay ahaayeen diyaaradaha isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee dagaal kula jira xuutiyiinta Yemen ayaa intii ka badbaaday soo gaartay magaaladda Berbera, waxaana dadkaasi la gaarsiin doonaa qof walba deegaankiisa.