Israa’iil oo fasaxday in lagu tukado masaajidka Al-Aqsa

Goobta barakaysan ee Xaram Al-Shariif, ee Yuhuudduna u taqaanTemple Mount, ayaa maanta xayiraaddii saarrayd laga qaaday oo dib loo furay ka dib markii ay rabshadihii ka dhacay Jimcihii.
 
Qalalaasahaasi wuxu dhacay ka dib markii laba askari oo booliska Israa’iil ah ay toogteen dabley Carabta dhalashada Israa’iil haysata ah oo markii dambena booliska oo eryanayaa ku dileen Xaram Al-Shariif dhexdiisa.
 
Rabshadda ayaa ahayd tii ugu darnayd ee sanadihii dambe ka dhacda magaalada Qudus, waxaana ay sare u qaadday xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.
 
Israa’iil ayaa gaadhtay go’aan aan laga filayn, markii ay Muslimiinta Qudus u diiday in salaadii Jimcaha ay ku tukadaan Masjidul Aqsa, tallaabadaas oo ka cadhaysiisay Muslimiinta iyo dalka Urdun oo ah khaadimka masaajidkaa barakaysan.
 
Al-Aqsa ayaa xidhnaa Sabtidii oo dhan, waxaana sidoo kale ay Israa’iil bandoo gelisay qeybta qadiimiga ah ee magaalada Qudus.
 
Dawladda Israa’iil ayaa sheegtay in xidhitaanku muhiim u ahaa hawlgalka ammaan ee ay ciidamadeedu ka wadeen deegaankaas.
 
Haweeney u hadashay booliska Israa’iil oo lagu magacaabo Luba Samri, ayaa sheegtay in albaabka masjidka hadda lagu xiray qalabka dadka lagu baadho iyo kamarado.
 
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa khadka telefoonka kula hadlay boqor Cabdallaha Urdun, waxaanu boqorku cambaareeyay weerarka lala beegsaday booliska Israa’iil, isagoo dhanka kale ugu baaqay Netanyahu inuu xannibaada ka qaado masaajidka, xiisaddana dejiyo.
Waxay u badan tahay in xiisad dheeraad ah ay ka dhalato qalabka baadhitaanka loo adeegsanayo ee ay Israa’iil ku rakibtay albaabada masjidka.
 
Qorshe sanadkii 2015 ay Israa’iil iyo Urdun doonayeen in ay kamarado ku xidhaan masaajidka ayaa socon waayay, ka dib markii ay ku heshiin waayeen sida loo maamulayo.
 
Barxadda masaajidka oo ay Muslimiintu u yaqaanaan Xaram al-Sharif, Yuhuuduna ku magacaabaan Temple Mount, ayaa qeyb ka ah colaadda u dhexeysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, maadaama dadka Falastiiniyiintu ka cabsi qabaan in Israa’iil awood dheeraad ah ku yeelan doonto goobtaa barakaysan.
 
Masaajidku wuxu ku yaallaa bariga Qudus, oo ah deegaan ay Israa’iil xoog ku qabsatay sanadkii 1967-kii.