Video:-Camey oo wadooyin Laamiya ka dhagax dhigay magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha ku-xigeenka dowlada puntalnd Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Eng.Camey oo ay weheliyaan Wasiirka amniga,Wasiir ku-xigeenka Arimaha Gudaha iyo Wasiiro kux-igeeno kale oo katirsan dowlada puntland,sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug.Talyaha Qeybta Booliiska, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo.ayaa maanta waxa ay si rasmi ah u dhagaxdhigeen wado laamiya oo dherarkeedu dhan yahay 1.5 hal kilo mitir iyo bar wadadaasi oo qeyb ka ah hormarinta bilicda magaalada Gaalkacyo iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqalaha.
 
Dhanka kale Camey ayaa ka hadlay amaanka Gobolka oo maalmahan dayac baahsan ka muuqday,waxuuna sheegay in ay wax ka qabanayaan.
 
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Kulan ay Albaabadu uxiran yihiin la qaatay Madaxda Maamulka Gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada,waxuuna kala hadlay arimo ay ka mdi yihiin Ammaanka Gobolka Mudug iyo Heshiiskii Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin Cadaado halka uu ku dambeeyay.
C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey madaxweyne xigeenka Puntland,ayaa faray Laamaha Ammaanka Gobolka Mudug in ay Xaqiijiyaan Ammaanka Gaalkacyo oo Mudooyinkii dambe ay ka jireen Dilal Qorsheysan.
 
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka dhaco Gaalkacyo kulan dhexmari doona madaxda Puntland iyo maamulka aan harciyada buuxin ee Cadaado,si gaar ah waxaa u kulmi doona Camey iyo Ina Carabeey.
 
Hoos ka daawo muuqaalka dhagaxdhiga wadooyinkaas ee Gaalkacyo.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka