Ra’isal wasaaraha Canada oo ilmo yar oo loogu magac daray qaabilay

Ra’isal wasaaraha Canada, ayaa la kulmay wiilkii yaraa ee loogu magac daray ee Justin Trudeau, oo ay dhaleen qoys qaxooti Suuriyaan ah, waxaanay ugu magac dareen si ay ugu mahad celiyaan siyaasigaa dalkiisu magangelyada siiyey.
Wiilkan yaree laba bilood jirka ah oo magaciisoo buuxaa yahay Justin Trudeau Adam Bilan, ayaa markii uu Ra’isal Wasaaruhu qaaday gama’sanaa, waxaanay xafladda uu Ra’isal Wasaaruhu ku qaabilay qoyska ilmahaa yar dhalay ka dhacday Calgary Stampede Sabtidii.
 
Wiilkan yari wuxu ku dhashay Calgary bishii May ee sannadkan dhawr bilood uun ka dib markii walidkii iyo labada caruurta ah ee ay walaalaha yihiin ka qaxeen Suuriya.
Markii qoyskani gaadheen Montreal bishii Feeberweri sannadkii hore, Ra’isal Wasaare Trudeau madaarka kagama hor iman oo kuma soo dhawayn sidii qaxootigii kale ee Suuriya ka tagay.
 
Hase ahaatee, waalidka ilmahan yar dhalay Maxammed iyo Cafraa Bilan ayay la noqotay in ay si uun ugu mahad celiyaan, waxaanay wiilkii u dhashay ugu magac dareen ra’isal wasaaraha Canada, Justin Trudeau.