Somali Maraykan Booliska Minneapolis ka tirsan oo dilay Haweeney Australia u dhalatay

Askarigan oo lagu magacaabay Maxamed Nuur sida aan ka soo xiganay jaraa’idka Startribune ayaa ka mid kamid ah wiilasha Soomaalida ah ee iyagu ku jira ciidanka Booliiska magaalada Minneapolis.
 
Askarigan ayaa shaqadii laga fariisiyay waxaana la sheegay in saraakiisha dambi baarista ay baarayaan sida uu u dhacay falkan. Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska magaalada Minneapolis tan iyo sanadkii 2015kii,waxana uu haystaa shahaadooyinka dhinaca maamulka ganacsiga iyo dhaqaalaha isagoo ka qalin jebiyay Augsburg College.
 
Maxamed Nuur ayaa ah sarkaalkii ugu horeeyay oo Somali-Maraykan ah oo ka mid noqdo ciidamada Booliska Minnieapolis.Waxana la sheegay in xilligii uu ku soo biirayay ciidamada Booliska guddoomiyaha magaalada Minneapolis uu aad u amaanay kamid noqoshadiisa ciidamada Booliska Maraykanka.
 
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Nuur iyo askari kale oo la socday ay u soo gurmadeen haweeneydan u dhalatay dalka Australia balse haatan qorsheyneysay in ay ku noolaato dalka Maraykanka iyadoo xiriir uu ka dhexeeyay muwaadin Maraykan ah kadib markii ay u yeeratay booliska maadaama ay cabsi dareentay.