Video:-Gaalkacyo yeelatay markii ugu horaysay Boolis isku dhaf ah

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo Tababar uga Furay Ciidamo Isku Dhaf ah oo la doonayo in ay ka shaqeyaan Nabadda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug islamarkaana ay ku soo laab laabteen Dagaalo soo noq noqday.

Xafladda furitaanka waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiiro ka socda labada maamul, saraakiil iyo madax ka socotey hay’adaha taageera labada maamul.

Ciidamada isku dhafka ah ee ka wada shaqeyn doona amniga Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ayaa lagu heshiiyey shir labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ay ku yeesheen Gaalacyo.

Ciidamada isku dhafka ah ee tbabarka loo furey ayaa gaaraya 50 askeri oo  labada maamul midkastaa lee yahay  25 askeri,  dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaya xafiiska UNSOM,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka