Waa Kuma Amiirka Cusub Ee Kooxda Daacish Kaddib Dilkii Hoggaamiyahooda?

Urur Diimeedka Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa xaqiijiyay in uu dunida iskaga tagay (geeriyooday) hoggaamiyahoodii mayalka adkaa ee Cabaas Al Baqdaadi, baddalkana ay ku dhawaaqeen ciddii booskaas buuxin lahayd.
 
War murtiyeed kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in Mohamed Ben Salem Al Ayouni oo ay dagaalyahanada Daacish u yaqaanaan Jalaaludiin Al Tunisi uu yahay Amiirka guud ee ururkaas.
 
sida magaciisa ka muuqata wuxuu kasoo jeeda dalka Tunisia ee Wuqooyiga Afrika, sidoo kale wuxuu heystaa dhalashada dalka Faransiiska ee qaaradda Yurub dhaca.
 
Dhawaan ayeey ahayd markii uu Ruushku shaaciyay in ay duqeyn ku dileen amiirkii ururka Daacish Cabaas AL Baqdaadi, hasa yeeshee 10-maalin kaddib ayeey ururku ku dhawaaqeen in hoggaamiyahoodii geeriyooday.
 
Magaalada Mosil Wuqooyiga ee dalka Syria ayaa looga dhawaaqay ururkan Daacish ama ISIS, sannadku markuu ahaa 2014-kii, Cabaas ayeeyna u wakiisheen in uu madax u noqdo tan iyo maalinkaas.
 
Ugu dambeyn magacaabista Jalaaludiin Al-Tunisi iyo dilka Cabaas Al Baqdaadi wax ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan laga saaray ururka Daacish magaaladii lagu aas aasay ee Mosil.