Baarlamaanka Puntland oo fuliyay qorshihii madaxtooyada kala dirayna golihii Wasiirada

Afhayeenka baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa u codeeyey ajnadaha maanta sida loo kala hormarinaayo, waxaana u codeeyey in Mooshinka lagu bilaabo 47 Xildhibaan. Afhayeenka ayaa Xildhibaanada hortooda ka akhriyey Mooshinka iyo sababaha ay Xildhibaanadu u cuskadeen oo ah in Golaha Wasiiradu ku fashilmeen shaqadii loo igmadey sida Amniga, Hormarinta dhaqaalaha,
Bixinta xuquuqda shaqaalaha.

Fadhiga baarlamaanka Puntland oo ay goob joog ka ahaayeen 57 xildhibaan ayaa cod la geliyay golaha wasiirada, 47 xubnood ayaa kala laabtay kalsoonida , hal mudane ayaana diiday, 9 xildhibaana waa ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirada in la riday.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa fuliyay qorshe kaga yimid dhanka madaxtooyada sida aanx ogta ku helnay.

Madaxweyne Gaas oo ay ku adkaatay in uu hal mar kala diro ama isbadal weyn ku sameeyo Golahiisa Wasiirada ayaa abaabul hoose udiray Xildhibaanada,abaabulkaas oo ay kalsoonida ugala laabanayaan Golaha wasiirada.

Madaxweyne Gaas ayaa talaabadan ay u tahay eed la’aan in laga hor leexiyay wasiiro uu khaati ka taagnaa.

Isku soo wada duuboo talaabadan ayaa muujinaysa in nidaamka Dawliga ee Puntland uu yahay mid shaqaynaya,si gaar ah baarlamaanka Puntland waxay ka dhigaysaa mid waajibkiisa gudanaya,waana markii koowaad taariikhda Puntland halmar baarlamaanku kalsoonida kala laabto Golaha Wasiirada.

Lasoco wararkayaga danbe.

Jibril Qoobey.