Buuqa iyo Baroorta Baarlamaanka Puntland waxay i xasuusisay sheeko waayaha hore dhacday!!WQ.Abwaan Ciiro

Buuqa iyo Baroorta Baarlamaanka Puntland waxaay i xasuusisay sheeko ku dhacday wiil dhalinyara ah oo bari hore ku aqal galay miyiga.

Bari baa Wiil dhalinyara ahi waxuu guursaday Gabar gayankiisa Arooskii iyo Alalaaskii kadib waxuu Gabadhii kula aqal galay deegaankii beeshii gabadhu ka dhalatay waxayna Soomalidu u taqaana ninka Gabadha uu qabo reerkooda la dagan Inan-layaal.

Wiilkii iyo Gabadhii intii ay todabadii ku jireen ayaa habeenkii waxaa muska Aqalka ama Aqalka banaankiisa isugu soo naba dhalinyaro ka mid ah degsimada meesha dagan si ay u ogaadaan inuu Wiilku shaqadiisi sifiican u gutay iyo inkale.

Dhawar habeen hadii ay dhalintii dhagta ku hayeen Aqalkii Aroosku daganayeen ayaa waxaa u cadaatay dhalinti inusan wiilku Gabadha shaqa fiican ka qaban oo uu waxba ka tari waayay gabarnimadeedi.

Hadalkii iyo nuxnuxdii ayaa xaafadihii iyo dadkii waawaynaa gaaray balse Gabadha iyo Wiilkuba waxba lama socdaan oo waa qabaar moog.

Laakiin Islaan Wiilka beeshiisa ah Eedana ugu beegan qudheedana ay qabaan beesha uu Wiilku Gabadha ka qabo xanta iyo waxa suuqa ugu jirana maqashay aadna u dhibsatay ayaa waxay u adkaysan wayday hadalka wiilka ay Eedada u tahay laga soo sheegayo.

Waa meel ilaahay wax ka wadee maalintii danbe ayaa Col weerar ahi waxaay dhaceen Geelii reerka Wiilku u ka qabo lahayeen,waxayna duhurkii maroorsadeen Geel dhawr kadin ah oo qaarkiis ayba rimanaayeen.

Wiilkii Arooska ahaa ayaa waxuu maqlay Geelii reer xididkaa waa la dhacay oo Col baa galay. Wiilkii intuu orod isku soo kiciyay ayuu waxuu yimid Aqalkiisi waxuuna si hal,haleel ah ula booday qori Maadhin ah oo aqalka udubkiisa midigta ah surnaa.

Gabadhii uu qabay oo awalba waxbadan aan ku qabin ayuu durba la dardaarmay isagoo u sheegay inuu Geelii xididkiis soo dhinacayo oo uu Cadawga ka daba tagayo,isla mar ahaantaana waxuu kula dardaarmay Afadiisi in aanay Ariga iyo reerkaba sii dayicin Awrtana casar dheere ay soo hoyiso intaan soo noqonayo waxuuna raaciyay hadan dhintana waxaad iga tahay cafis iyo masaamax adna isoo cafi.

Wiilkii fariidka ahaa goor uu sii oradayo meel dhexe ayaa waxaa ka hor timid islaantii Eedadiis ahayd oo Ariga meel xooga fog la joogtay ayaa mar qura indhaha ku dhufatay Wiilkaan sii kacsan oo qoriga la haaraya.

Waa u qaylisay hooy hooy hooy wuu maqlay qayladii waana istaagay waxay waydiisay Eedo xagee u ordaysa? Oo aad qoriga u siditaa?

Waxuu ugu jawaabay Eedo miyaadan war haynin? Miyadan ogayn in la dhacay Geelii reerka an ka qabo adna ku qaba oo xididka nala ah? Waxuuna raaciyay Eedo ama waan dhimanayaa ama Geela xididkeen waan soo dhicinaya.

Islaanti Eedada wiilka u ahayd oo awal ciil iyo caro naf la ahayd war xumada iyo ceebta wiilkay Eedada u tahay suuqa ugu jirta in uu gabadhii uu la Aqal galay waxaaba ka tari waayay ayaa waxay ku tiri,

WAR GEELA RAGBAA LEH IYAGAANA SOO DHACSANAYE ADIGA SHAQADA GURIGAAGA TAALA DHAMAYSTIR.

Taa waxaa lamid ah Xildhibanada Puntland 3 sanno iyo barka  jiray ee puntland Arooska kula jiray ee aan waxba qaban waxii loo doortayna aan aqoon oo markay maqleen 15.milyan oo dolar baa Emaradka laga soo qaaday oo 2.5 ayaa garoonka diyaaradaha Garowe loogu deeqay is yiri idinkuna wax ka rita markiina xukuumada sidii caada ahaydba.

Hadaba waxaan leenahay waligiinba qayliya afka laydin saari maayo shilin waxaad radinaysaana waa baad iyo xaaraan waana dhaqan aad kasoo min guriseen meela kale oo aysan reer Puntland caado u lahayn.

Lacagtaan15-kamilyna ah waxaa loo qaybiyay sidatan soo socota:-

1.2.500 Garoonka garowe

2.2.milyan Ciidamada

3.1 milyan wadada Ceel Daahir

4.1.milyan wadada Garowe iyo Galkacyo

5.2.milyan madaxtooyada Gaalkacyo

 

Dhanka kale waxaa iyagana la gaarsiin doonaa lacagtan qaybtooda dadka dhulkoodu uu galayo balaarinta Dekeda Boosaaso.

Madxwayne Gaas lacagtaas waxuu mariyay wadadii saxda ahayd waxaan ugu baaqayna Xildhibaanada maryaha ceebeed huwan in ay dib u joogsadaan,caawa waxaan ka warhaynaa in wadahadalkii dhexmaray Xukuumada iyo Xildhibaanada aad ku doodeen in laydin siiyo lacag gaaraysa 5.milyan o dolar,taasina mahan wax la aqbali karo oo waa baad aan qarsoonayn.

Ugu danbayntii Puntland waxaa kusoo wajahan wafti uu hogaaminayo Madaxwayne Farmaajo ee dalka ka daaya qal qalka iyo jah wareerka siyaasadeed dan Puntland iyo mid shacab midna ma wadaane anaguna ma nihin dad maantay dhashay ee waxaan nahay kuwa aad idin yaqaan.

Ciiro Ahmed Hassan