Dhagayso:-Madaxweyne Gaas”Waa ku faraxsanahay talaabada baarlamaanku qaaday waana Dastuuri”

Madaxweyne Gaas oo si rasmiya u aqbalay go’aankii Baarlamaanka Puntland ee kalsoonida kala noqoshada golaha wasiirada.
 
Madaxweynuhu waxuu sheegay in Xildhibaanadu ay guteen waajibaad qaran isaguna uu xil ka saaran yahay soo xulida wasiiro cusub oo uqalma masiirka umada in ay matalaan.
Madaxweyne Gaas waxaa horyaala fursad dahabiya oo uu ku sixi karo dhailiilihii maamulkiisa loosoo jeedinayay,sidoo kale waxuu haystaa fursad uu ku dooran karo dad matali kara Umada.
 
Madaxwaynaha Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Amniga iyo Xasiloonida wuxuuna sidoo kale Baaq u diray Ciidamada ammaanka Puntland isagoo faray inay adkeeyaan Amniga.
 
Madaxweyne Gaas maanta waa khabiir kala bartay bulshada fahmayna sida ay ufakaraan,isagoo taa ka faa’idaysanaya waxaa la gudboon in uu isa saxo oo taariikhda inta u hartay uu ka tago magac lagu faani karo,hoos ka dhagayso codka madaxweynaha.
 
 
Halkan ka dhagayso codka madaxweynaha