Dhagayso:-Somalida Minnesota oo cabsi soo wajahday iyo Rw Australia oo hadlay

Somalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa walaac xoogan ka muujiyey falka dilka ah ee lagu eedeeyey Maxamed Nur inuu u geystay Justine Damond oo 41 jir ahayd.
 
Qaar ka mid ah hogaamiyaasha bulshada Soomaalida gobolka ayaa sheegay in ay heleen hanjabaadyo loo soo diray oo iyaga ka dhan ah.
 
Dhanka kale Ra’iisalwasaaraha Australia ayaa sheegay in uu jawaabo ka dalban doono dalka Maraykanka si wax looga ogaado dilka aan faahfaahinta badan laga haynin ee askariga Maraykanka ah uu u gaystay gabadh Australian ah.
 
Justine Damond oo asal ahaan ka soo jeedda magaalada Sydney ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ka dib markii ay iyadu u yeertay booliis iyada oo ka shakiday in ay macquul tahay in uu fal dambiyeed dhaco.
 
Xukuumadda Maraykanka ayaa arrintaas baaritaan ku haysa, waxayse sheegtay in aysan ku qasbikarin askariga in uu caddaymo bixiyo.
 
Ra’iisalwasaare Turnbull ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ay ka go’antahay “sida masiibadan ay u dhacday”.
 
“Siday ku dhici kartaa in haweenay qabta dharkii jiifka oo codsatay gargaar in sidaa loo toogto?” Ayuu ku yiri warbaahinta gudaha ee Nine network.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan