Trump iyo Putin oo la ogaaday in ay kulan qarsoodi ah yeesheen

Waxa la ogaaday in madaxweyne Donald Trump ku la kulmay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, mar kale oo aan la sheegin shir madaxeedkii G20 ee bishan dhacay.

Waxa ay labada nin yeesheen kulan wada xaajood ah oo kulankii hore ee la shaaciyey aan ahayn, laakiin Aqalka Cad ayaan sheegin faahfaafinta wixii ay ka wada hadleen.

Madaxweyne Trump ayaa hore ugu tilmaamay warar sheegayey in ay si qarsoodi ah u wada casheeyeen kuna tilmaamay warkaa “war been ah”.

Labada hogaamiye xidhiidhkooda ayaa aad isha loogu hayey iyadoo ay soo baxeen eedo ah in Ruushka iyo kooxdii ololihii doorashada Trump ay gacan saar qarsoodi ah lahaayeen.

Sirdoonka Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushku Trump ka caawiyey doorashadii madaxtinimada ee sannadkii hore, taas oo ah arin Ruushku beeniyey Trump na diiday in ay jirto ba.

Kulanka labaad wuxu ka dhacay goob casho gaar ah loogu sameeyey madaxda dalalka G20 ee ka qayb galayey shirmadaxeedkii bishan horaanteedii lagu qabtay magaalada Hamburg.

Madaxweyne Trump keligii buu ahaa Putin na waxa la joogay turjubaankiisa oo keliya, warbaahinta Maraykankuna waxay sheegtay in kulankaasi qaatay saacad.

Waxa ay sheegi karaan saraakiisha Aqalka Cad ee ah in ay labada hogaamiye ka wada hadleen waa waxa uu Trump laftiisu u sheego oo kaliya maadaama aanay kulankaa ka qayb galin kaaliyeyaasha Trump.